Waxgaradka degmada Baladxaawo ayaa Wadaa dadaalo xoogan oo la doonayo in lagu joojiyo dagaal beeleed shalay ka Dhacay magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo.
Mid kamid ah waxgaradka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xiligaan jiraan shirar oo gaar gaar ah oo ay leeyhiin waxgaradka degmada islmarkaan waxaa uu intaas ku daray in maalmaha socdo la soo Gaba gabeyndoono Dagaalka Beelaha walaaha dhexmaray.
Dagaalkii shalay dhexmaray labo maleeshiyo beeleed waxaa ku dhintay 2 ruux halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo midi la soo sheegayo inay xaaladdiisu tahay mid daran kaasoo shalay galab loola cararay dhinaca Doolow Itoobiya.
Xaalada Magaalada ayaa Manta dagan inkastoo wali la sheegayo inay maleeshiyaad shalay ay is hor fadhiyaan islamarkaan waxgaradka degmo ay ku la dhex jiraan.


