Wax ka ogow kulanka dhexmari doona Brazil Vs Uruguay

Xulka Brazil ayaa marti galin doona qaranka Uruguay kulankii shanaad ee isreeb reebka wadamada Koofurta Ameerika ee koobka aduunka 2018-ka.

Brazil ayaa haatan kaalinta 5-aad uga jirta kala horeynta, hase ahaatee hadii ay kulankan soo badiso waxaa ay gali kartaa kaalinta labaad oo ay kala baxeyso qaranka Uruguay, kaas oo haatan kaalintaas ku jira.

Kulankan ayaa waxaa kusoo laaban doona weeraryahanka Luiz Suarez kaas oo qarankiisa Uruguay umutali doona koobka aduunka kadib qaniinyadii uu sameeyay sanadkii 2014.

Kulanka: Brazil vs Uruguay

Garoonka: Taipava Arena

Saacada: 3:45 Saqda dhexe habeenimo

Brazil-Vs-Uruguay

Taariikhda Kulankan

Brazil ayaa guuldaro lama filan 2-0 ah kala kulantay xulka Chile kulankii furitaanka isreeb reebkan, hase ahaatee waxaa ay guul 3-1 ah ka gaartay Venezuela, waxana ka danbeeyay bar bardhicii 1-1 aheyd ee Argentine iyo guushii 3-0 aheyd ee Peru.

  • Tan iyo markii ay Copa America kasoo reebtay Chile, Brazil ayaa laga badiyay kaliya hal kulan lix kulan oo ay ciyartay
  • Brazil ayaan laga badin sedexdii kulan ee ugu danbeysay, iyadoo ugu yaraan hal gool dhalineysay lixdii ciyaar ee ugu danbeysay.
  • Brazil ayaa garoonkeeda ku gaartay sedex guul oo isku xigta, labo kamid ah kulamadaasna wax gool ah loogama dhalin garoonkeeda.

Qaranka Uruguay aya guuleystay sedexdii kulan ee ugu danbeysay lagamana badin ilaa haatana sedexdaas kulan wax gool ah lagama dhalin, waxaase 2-1 uga badiyay kaliya Ecuador kaas oo 13 dhibcood ku hogaaminaya isreeb reebkan kadib 5 kulan oo uu ciyaaray. Waxaa Warbixintan idiin soo tarjumay Laacibiin.com

  • Uruguay ayaa guuleysatay afar kamid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay, wax gool ahna lagama dhalin kulamada ay badisay.
  • Isreeb reebkan, waxaa ay dhaliyeen 10 gool, waxaase laga dhaliyay kaliya hal gool.
  • Kulamada ay banaanka kusoo ciyaarto Urugay, afartii kulan ee ugu danbeysay labo ayay badisay labana waa laga badiyay, sededx gool ayay dhalisay sedexna waa laga dhaliyay. Waxaa Warbixintan idiin soo tarjumay Laacibiin.com

Kulamadii ay iska hor yimaadeen Brazil vs Uruguay:

Brazil ayaa natiijo wanaagsan iyo rikoorba ka haysata kulamada ay ka hortagtay qaranka  Uruguay, waxaana ay ka badisay 8 kulan oo kamid ah 15-kii kulan ee ay la ciyaartay, halka Uruguay ay badisay afar sedexda kalana bar bardhac ayay ku kala baxeen.

Qaranka Selecao ayan wax guuldaro ah kala kulmin xulka Uruguay 7-dii kulan ee ugu danbeysay, waxaana ay ka badiyen afar halka afartii kulan ee ugu danbeysay labada xul ay iska dhalinayeen cel celis ahaan 2.5 gool.

Maxaa ka cusub Brazil:

Tababare Carlos Dunga ayaa go’aansaday inuu kasoo tago daafaca  PSG  Thiago Silva iyo xidiga garabka ka ciyaara ee  Lucas Moura kualamada isreeb reebka koobka aduunka ee Uruguay iyo Paraguay. Waxaa Warbixintan idiin soo tarjumay Laacibiin.com

Weeraryahanka Liverpool Firmino ayaa qaranka dhaawac looga saaray halka badalkiisa loo yeeray ciyaaryahanka Benfica Jonas Oliveira.

Philippe Coutinho ayaa mar kale qaranka looga yeeray kadib dhaawacyo uu ku maqnaa sidoo kale David Luis ayaa ganaax kasoo laaban doona.

Weeraryahanka Barcelona Neymar, garabka Bayern Munich Douglas Costa iyo xidiga Chelsea Willian ayaa ka ciyaari doona weerarka xulka Brazil.

Shaxda Macquulka ah ee Brazil (4-3-3 Formation)

Alisson – David Luiz, Miranda, Filipe Luis, Alves – Luiz Gustavo, Renato Agusto, Fernandinho – Costa, Willian, Neymar.

Maxaa ka cusub Uruguay:

Uruguay ayaa waxaa ay kulankan dib usoo dhaweyn doontaa weraryahanka Luiz Suarez kadib markii uu labo sano ka maqnaa shaxda xulkaas.

Kabtan Diego Godin ayaa dhaawac looga soo tagay, halka Maxi Pereira uu isna ganaax ku maqnaan doono, labada daafac e Atletico Madrid Jose Maria Gimenez iyo kan Getafe Emiliano Velazquez ayaa sidoo kale dhaawac uga maqnaanaya qarankan.

Da’yarka kooxda Manchester United  Guillermo Varela ayaa markii ugu horeysay qaranka looga yeeray, waxaana uu filayaa inuu safto.

Shaxda Macquulka ah ee Uruguay: (4-4-2 Formation)

Muslera – Coates, Fucile, Alvaro Pereira, Victorino – Arevalo Rios, Alvaro Gonzalez, Carlos Sanchez, Diego Laxalt – Cavani, Suarez.