Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Bekos) ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay wasiirka dalxiiska ee dowladda Kenya Najiib Balala iyo xoghayaha jogtada ah ee wasaarada dalxiiska Kenya Faadumo Xirsi,iyagoo ka wada hadlay arrimaha dalxiiska iyo duur-joogta ee labada wadan.
Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay safaaradda Soomaaliya ee wadankani Kenya ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha dalxiisa iyo duur-joogta.
Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee DFS mudane Maxamuud Cabdi Xasan oo kulanka kaddib la hadlay TV-ga qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka si gaar ah loogu gurfeeyay arrimaha dalxiiska iyo sidii dowlada Soomaaliya ay dhanka dalxiiska uga faa’ideysan lahayd dowlada Kenya.
Wasiiru dowlaha warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa sheegay in labada wasaaradood ay isku af-garteen in ay kala saxiixdaan heshiis is af-garad ah,iyagoo is-weydaarsanay khuburo iyo tababarro dhanka dalxiiska iyo duur-joogta ah.
Ugu dambeyn wasiiru dowlaha wasaarada Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa sheegay in wasiirka dalxiiska ee Kenya uu ballan qaaday in dowladda Soomaaliya uu ka caawin doonaan caqabadaha ka haysto dhanka dalxiiska iyo duur-joogta.






Xigasho: radiomudisho.net


