Ciyaaryahannada 11 jirada Soomaaliya oo natiijooyin wanaagsan ka soo hooyey tartanka Jeem Cup “Sawirro”

Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya ee 11,jirada oo ka qeyb galayay tartanka kubadda Cagta ee dugsiyada hoose ee dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkan uu marti geliyay dalka Qadar , ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ciyaar bar bar dhac ah la galay xulka qaranka 11 jirada ee ka socday dalka Qadar oo sandkan koobka marti gelinaayey.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo goob joog ka ahaa goob lagu daawanayay ciyaartaas dhex martay labada kooxood ee ka kala socday labada dal Soomaaliya iyo Qadar ayaa amaantay dadaalka ay muujiyeen ciyaartoyda mataleysay dalkeenna Soomaaliya oo sedaxdii kulan oo ay ciyaareen muujiyay ciyaar wanaag iyo xirfad kubadeed oo aad u heer sareysa.

Qaar ka mid ah daawayaashii ka qeyb galay daawashada ciyaartaas ayaa u hambalyeeyay ciyaartoyda ku ciyaareysay magaca soomaaliyeed iyagoo wax lagu farxo ku tilmaamay ciyaar wanaaga ay muujiyeen ciyaartoyda Soomaaliyeed ee tartankaas ka qeyb gashay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Qadar Bashiir Cali ayaa dhankeeda hambalyo u dirtay jiilka 11,jirada ee xulka qaranka dalkeena.

Ciyaartoydan Soomaaliyeed ee 11,jirada ah ee ka qeyb galay tartanka jiilka 11 jirada ah ee dugsiga hoose ee dalalka jaamacada Carabta islamarkaana metelaya qaranka dalkeena ayaa kasoo baxay tartan loo qabtay dugsiyada ku yaala degmooyinka gobolka Banaadir,

waxaana inta tartanka uu socday ay galeen laba kulan oo bar bar dhac iyagoo ugu dambeyna kulan bareeja ah la galay ciyaartoy ka socotay dalka Qadar oo koobka sanadkan marti gelinaya waxayna ciyaartoyada dalalka soomaaliya iyo Qadarba sidaas uga hareen tartankan jeem Cup.

2

3

1