Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow ay Garoonka ka soo degatay Diyaarad siday Wasiiradda Arrimaha Dibadda Dalalka Kenya Uganda iyo Jabuuti.
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale.
Waxaa sidoo kale goor dhow lagu wadaa in Muqdisho ay soo gaaraan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Muqdisho gaar ahaan goobta uu ka dhacay shirka.
Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.




