Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaw wuxuu gaaray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo la filaayo goor dhaw inay ka soo dagaan qaar ka mid ah Madaxweynayaasha ka qaybgalaya Shirka Urur Goboledka IGAD.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweynaya Madaxweynayaasha imaanaya, islamarkaana waxaa la filayaa in shirka uu si rasmi ah u furmo hadii Madaxweynayaasha la sugaayo ay yimaadaan.
Goor sii horeysay Garoonka Aadan Cadde, waxaa ka soo degtay Wasiirada Arimaha Dibada dalalka, Uganda, Kenya iyo Jabuuti, kuwaasi oo tagay madasha loo diyaariyay in lagu qabto Shirka IGAD.
Madaxweynayaasha la sugaayo in ay yimaadaan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Jabuuti, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Madaxweynaha South Sudan iyo Madaxweynaha dalka Sudan, laakiin lama hubo in dhaman Madaxweynayaasha ay imaan doonaan.
Qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo madasha shirka lagu qabanaayo aad loo qurxiyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheeegay in shir madaxeedka ajendaha looga doodii doono ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.



