Wasiirka Waxbarashada oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan

Suudaan-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sar ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaaalada Khartuum ee dlaka Suudaan ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ardayda halkaasi wax ka barata.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Afrika, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Suudaan Maxamed C/laahi Ugaas, Diblumaasiyiin ka socotay safaaradda iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Afrika Prof. Kamaal Cubeyd oo goobta ka hadlay ayaa sheegay Ardayda Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadda in ay yihiin, kuwa aad ugu fir fircoon Waxbarashada, sidoo kalena Imaamyo ka ah Masjidyada magaalada.

Wasiirka Waxbarsahada Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan ayaa aad ugu mahadceliyay Dowladda Suudaan, sida ay u garab istaageen shacabka Soomaaliyeed mudadii ay bur bursaneyd Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Waxbrashada Soomaaliya ayaa Ardayda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in ay sii laba jibaaraan waxbarashadooda iyo sidoo kale dhismaha Mustaqbalkooda.