Wasiirka Warfaafinta oo Cambaareeyay Dilka Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u Cabmeeyay dilka Wariye C/casiis Cali Xaaji oo ka tirsanaa howlwadeenada Shabakadda Warbaahinta Shabeelle, kaas oo galinkii dambe ee maanta kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in falkaas uu yahay mid si weyn uga soo horjeeda Islaanimada, waxa uuna xusay in Dowladda Soomaaliyana aysan meel uga hari doonin kuwii ka dambeeyay dilka wariyaha islamarkaana sharcigana la hor keeni doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelada iyo Qaraabada uu ka baxay wariye C/casiis Xaaji, waxa uuna Alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannatul fardowso.

Falalka nuucaan oo kale ah ee lagu dhibaateeyo wariyayaasha ayaa aalaba ka dhaca gudaha Magaalada Muqdisho.