Waxaa maanta gelinkii dambe Degmada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye oo ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle.
Wariyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/casiis Maxamed Cali Xaaji waxaana uu ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Shabeelle.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay Dilkiisa ka dambeeyeen Wariyaha, waxaana markii ay Dilka fuliyeen kadib ka baxsadeen goobta uu Dilka ka dhacay.
Wariye Maxamed Aadan Onkod oo Shabeele ka tirsana ayaan Dilka Wariyaha wax ka weydiinay.


