Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle, ayaa wuxuu ka hadlay dowlad Goboledyada qaybta ka ah dowladda dhexe ee aysan siinin lacagaha.
C/raxmaan Ducaalle Bayle, ayaa wuxuu sheegay Maamul Goboledyada leh Dakaddaha shaqeeya in aysan wax dhaqaale ah siinin dowladda dhexe, maadaama ay helaan dhaqaalo ku filan.
Wuxuu sheegay kaliya dhaqaale inay siiyaan Maamul Goboledyada aanan laheyn wax dakad ah, isaga oo Wasiirka ula jeedo kuwa wali dakadahooda aanan shaqa bilaabin.
“Dowladda dhexe dhaqaalaha waxa ay siisaa kaliya maamul goboledyada aanan laheyn dakaddaha, kuwa kale ee dakadahooda shaqeeya, hadde iyaga ayaaba lacag hela.” Ayuu yiri Wasiir Bayle oo u waramay Tv-ga Soomaali Cable.
Shanta Maamul Goboleed ee dalka ka jira waxaa si rasmi ah u shaqeeya dakadahooda Maamul Goboledyada kala ah Puntland iyo Jubbaland oo dhaqaale badan ka hela dakadaha ku yaal xarumahooda.
Maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Dakadahooda ma shaqeeyaan xilligaan, sidaasi awgeedna waxa ay dhaqaale ka helaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.



