Wasiirka Amniga oo ka qeyb galay shirka Booliska adduunka

Boha-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka qayb galay Shirka Shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL) oo looga hadlayey la dagaalanka ka ganacsiga Dadka iyo Tahriibka.

Shirka ayaa ayaa ka qabsoomay oo magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qatar 6-dii iyo 7-dii Bisha December, waxaana Ka qayb galay Wufuud ka socotay dhammaan Dalalka Caalamka.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar oo uu ka mid yahay Wasiirka Maamulka Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee dalka Qatar/

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa Xiriirka INTERPOLKA iyo Sida Shaqooyin iyo Tababar loogu samayn karo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa qayb ka ah dadka dhibaatooyinka kala kulma Tahriibka, waxaana shirkan ku soo beegmayaa xili dhowaan ay si wayn u soo shaac baxday Dhibaatooyinka baaxada ee dadka Mujaajiriinta ah loogu gaysanayo dalka Liibiya.