Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Norway oo uu hogaaminyay Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Danjire Haakon Svane ayna wehlinayeen Ergeyga gaarka ah Dowladda Norway uqaabilsan Arrimaha Soomaliya Heidi Johansen iyo Mr. Ole Lindeman Safiirkii hore dowladda Norway ee dalka Afghanistan.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta iyo sare uqaadida iskaashiga Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Norway gaar ahaan dhinacyada la dagaalanka Al-Shabaab iyo Arrimo kale oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.
Wasiir Sheekh Mukhtaar ayaa wafdiga kasocday Dowladda Norway uga warbixiyay sida ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ugu howlan tahay tiir kamid ah tiirarka ugu muhiimsan Xukuumadda ee la xiriira la dagaalanka Al-Shabaab.
“Wasaaraddan waxay utaagan tahay ilaalinta qiyamka islaamiga, kaas oo na faraya ciribtirka afkaaraha Al-Shabaab kaga beensheegaan Diinteena Xaniifka ah, kuna baneeysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan rabnaa in aan gaarsiino shacabka Soomaaliyeed Soomaaliya oo nabad ah, ka maran cagajuleyn iyo cabsigelintooda ayuu yiri” Wasiirka.
Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri: ” Anagoo raaceynta jiheynta Madaxda Qaranka Wasaaraddu waxay dhamaan goboloda dalka ka howlgelinaysaa Ducaad dadka ubayaanisa Diinteena Xaniifka ah, kuna hagta dhabaha toosan ee ay jidaysay Diinteena Islaamka”.
“Hadafkeenu waa in dalkan laga ciribtiro Al-Shabaab feker ahaan iyo ciidan ahaanba, waana sababta ay Xukuumaddu uqaaday Howgalo iskudubaridan oo cadowga dhankasta loogu naafeynayo”.
“Waxaan rabnaa in aan badbaadino dhaliyarada lagu marin habaabiyay afkaarta qaldan ee ku dhisan dilka, isdilka iyo kaligii muslinimada, kuna hagno Nabada, walaaltinimada iyo isjeceylka Islaamka, si ay uga soo laabtaan”.
Safiirka iyo wafdigiisa ayaa Wasiirka uga mahadceliyey qaabilaadiisa iyo kuna amaanay howlaha uqabsoomay Wasaaradda intii uu joogay gaar ahaan qabashada shirweynihii Culimada Soomaaliyeed 24-29 Okotobar ee sanadkan, waxayna sheegeen in Dowladda Norway ayna garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dadaal weyna ka geysanayso howlaha Hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya gaar ahaan dadaalada ay wado Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ee ku aadan ciribtirka fekerka Xagjirka ah.



