Wasiir ka tirsanaa Xukuumadii Cumar Cabdirashiid oo isku day dil ka badbaaday

Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ee Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil xilli uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

War uu soo saaray ayuu ku sheegay Eng Saalax Sheekh Xuseen in la doonaayay in la khaarajiyo Laakiin uu badbaaday .

“Maalmihii la soo dhaafay waxaa hawlo shaqo ku joogay Magaalada Baydhabo, ujeedada aan halkaan u imid ayaa ku saabsaneyd sidii aan ugu adeegi lahaa shacbigayga K/Galbeed, saacadihii la soo dhaafay waxaa Baydhabo iyo hareeraheeda ka da’ayay Roobab mahiigaan ah, damiir ahaan waxaan goostay sidii aan Gargaar ugu fidin lahaa dadka ay waxyeelada ka soo gaartey Roobabkaasi. Kaalmadii aan ugu tala galay inaan gaarsiiyo shacbiga reer Baydhabo waxaa maanta iga hor istaagay Wasiirka Amniga oo haatan ah ku magaacaban ku-simaha Madaxweynaha K/Galbeed Xasan Eelaay, ninkaasi ayaa ciidamo daacad u ah waxa uu ku amaray inay i Khaarijiyaan” ayuu yir Wasiir Saalax

Waxaa uu sidoo kale uu qoraalkiisa intaasi ku daray, Dilkayga ayaa la qorsheeyay in lagu soo beego waqtiga aan qeybinayo kaalmada aan u sido dadka masaakiinta ah”

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo uu ku eedeeyay in uu Abaabulay falkaasi.