Wasiirka Howlaha guud ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Ibraahim Geeseey ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu u haayay Xukuumadda Soomaaliya.
Waxa uu sheeegay in uu isku casilay faragelin uu sheegay in Xukuumada ay ku heyso Maamulada dalka ka jira, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa uuna carabka ku dhuftay in Muwaadin Mukhtaar Rooboow uu xaq u lahaa in doorashada Koonfur Galbeed uu ka qeyb gallo.
Cabdifitaax Ibraahim Geeseey ayaa warkaan is casilaadiisa ku saabsan ka sheegay shir sharaa’id oo uu goor dhaw qabtay, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in sharciga uunan qabin in xukuumada ay farageliso maamulada.
Iscasilaada wasiirkaan ayaa kusoo aadaysa xili cirka ay isku sii shareereyso xiisada ka dhalatay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow oo Dowladda Soomaaliya Baydhabo kasoo xirtay.



