Wasiir Juxa oo Shir ka furay Kismaayo

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi faarax Saciid Juxa ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ka furay Shir looga hadlaayo dhismaha goleyaasha degaanka.

Wasiirka ayaa shalay gaaray Kismaayo, waxaana xalay uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland iyo sidoo kale Wasiiro ka tirsan maamulkaasi.

Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo lagu furayay Shirka goleyaasha degaanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Shirka Dhismaha goleyaasha degaanka ayaa horay loogu qabtay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in ay muhiim tahay dhismaha Goleyaasha degaanka maamulka Jubbaland.