Wasiir Dhabancad oo Shaaciyay xilliga ay dhaceyso doorashadda Gaalkacyo

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shaaciyay in maalinta Berri ah Magaalada Gaalkacyo lagu qaban doono Doorashadda Gudoomiyaha Golaha degaanka Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in Wasiirada Puntland in ay inta badan goobjoog ka noqon doonaan Doorashaddaasi, islamarkaana sidoo kale dhawaan la qaban doono doorashadda Duqa magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in markii ugu horreysay tiradii ugu badneyd oo dumar ah in ay kasoo dhex muuqdeen Golaha degaanka Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana ay sii xoojin doonaan doorka haweenka ee Hoggaaminta.

Golaha degaanka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa goor dhow lagu dhawaaqay.

Xildhibaanada Golaha degaanka Gaalkacyo ayaa ka kooban 31 xubnood, waxaana ku jira xubno cusub oo aan ka mid aheyn Xildhibaanadii hore ee Golaha degaanka Gaalkacyo.