Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Soomaaliya C/rashiid MaxamedAxmed ayaa maanta hor tagay Xildhibaanada golaha shacabka.
Wasiirka ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay hindise sharciyeedka Batroolka Soomaaliya oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay.
Waxa uu sharaxaad ka bixiyay sharcigaan iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay.
Wasiirka ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay in lahelo sharci lagu xakameynayo Batroolka Soomaaliya isla markaana ay raali ka wada yihiin dadka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Soomaaliya C/rashiid MaxamedAxmed ayaa Xildhibaanada ka codsaday iney si deg deg ah ku meelmariyaan sharcigaan.
Hindisesharciyeedkan maanta Xildhibaanada golaha shacabka laga hor aqriyay loona qeybiyay ayaa waxaa ka soo shaqeyn doono guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Batroolka ka dibna waxa uu mari doonaa aqrin 2 iyo aqrin 3 inta ay howshaasi socotana waxa ay Xildhibaanada ku dari doonaan talooyinkooda.



