Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmihii u dambeeyay lagu faafinayay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriira safarka wafdiga rasmiga ah ee ka qeybgalay Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO) ee ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaradda ayaa lagu sheegay, in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, lana doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka, laguna dhaawaco sumcadda Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.
“Sheegashadan been abuurka ah ayaa u muuqata in ay ka soo jeedaan dad qurbo-joog ah oo aan waftiga lagu soo darin sababo la xidhiidha in aanay ka mid ahayn urur shaqaale oo la aqoonsan yahay iyo in aanay degenayn dalka Soomaaliya. Ka dib markii laga saaray, waxay bilaabeen olole been abuur ah oo internetka ah oo lagu beegsanayo wafdiga,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.




