wasaaradda arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya ayaa Aqoon Weydaarsiga la xiriirka Nidaamka Federaalka ama Baahinta Awooda ayay u qabatay Ergada Shirka Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Inta uu socday kulankan ayaa loga dooday Ahmiyadda Baahinta Awooda uu u leeyahay dadka labada Gobol.
C/laahi Maxamuud Ashari Agaasimaah Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir Cabdulle Buurfuule ayaa waxa ay wadajir u tilmaameen in Nidaamka Baahinta Dowladnimada ee Federaalka oo Soomaaliya ay qaadatay uu Muhiim yahay in iminka ay Bulshada ka doodaan kana dhiibtaan Aragtidooda Nuuca ugu Haboon
Xogahaya Joogtada ee Wasaaradda Arimaah Gudaha iyo federaalka Pro Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Muhiimada ay tahay in Bulshada Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe ay wax ka Fahmaan Ahmiyada Nidaamka Baahinta Awoodda Dowladnimada ee Federaalka.



