Wasaaradda amniga oo ka hadashay howlgal xalay ka dhacay Muqdisho.

Wasaarada amniga dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalka Ciidamada dowlada  Soomaaliya Xalay ay ka sameyeen degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir.

Afhayeenka wasaarada amniga gudaha C/kaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in laamaha amaanka ee Dowlada ay ka hortagayaan dilalka qorsheysan ee maalmihii dambe ku soo badanaayay caasimada muqdisho.

Afhayeenka wasaarada aminga dowladda soomaaliya C/kaamil Shukri Macaalin oo la hadlay  Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Ciidamada dowlada Soomaaliya ay howlgal  ka sameeyay degmooyin ka mid ah gobalka Banaadir .

Afhayeenka ayaa sheegay in helay xog ku saabsan dad weerar abaabulaayey in islamarkaan ciidamada dowladda Soomaaliya howlgal ku qaadan halkaas ayna kusoo qabteen inka badan 400 qof ayna baaritaan kadib ay kala baxeen 10 qof.

Dhankale Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sheegay in gacanta kusoo dhigeen shaqsi ku labisnaa dharka dumarka gaar marada modow ee loo yaqaano indhashareer waxuuna sheegay in ciidamada Soomaaliya ay baaritaan kuhayaan.