Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Colaada gobolka Galgaduud

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda  ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Laandheer ee waqooyiga Galgalduud, waxayna laamaha ammaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya  iyo Maamulka Galmudug fartay in laga hortago shaqaaqooyinka iyo xasaradaha soo cusboonaaday.