Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha wadatashiga Qaran

Waxaa Maanta magaalada muqdisho lagu soo geba-gabeeyay shirkii Golaha wadatashiga Qaran uga socday muqdisho, kuwaas oo ka kooban Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed.

Shirka oo uu guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 27-kii Bishaan ka furmay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa Madaxda waxaa ay uga hadleen arrimo ay kamid yihiin, la dagaalanka Al-Sabaab, Abaaraha, Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxda ayaa shirkooda ay Maanta soo geba-gabeeyeen waxaa ay kasoo sareen Warmurtiyeed la xiriira waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo go’aanadii ay gaareen ee la xiriira arrimaha amniga, Abaaraha, Doorashooyinka, Dastuurka iyo arrimo kale.

Hoos Ka Akhriso Warmurtiyeedka Golaha wadatashiga Qaran