Shaqaalaha Dekedda Magaalada Berbera ayaa Saaka waxaa ay sameeyeen Banaanbax weyn oo ay kaga soo horjeedaan Shirkadda la wareegtay Dekedda Berbera oo shaqaalaha ku Wargelisay in ay ku shaqeeyaan Mushaar Hoose.
Boqolaal ka mid ah Shaqaalaha Dekedda ayaa Sameeyay Banaanbaxweyn oo ay ka qeyb galeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool Magaalada Berbera.
Madaxda Somaliland ayaa horay u sheegay in Shaqaalaha Dekedda aysan shaqada ka tagi doonin ,islamarkaana aysan ku shaqeyn doonin Mushaar Hoose.
Shaqaalaha Banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay ahaayeen qeybta Farsamadda .
Sidoo kale Ciidamada Ammaanka maamulka Somaliland ayaa lasoo sheegaya in ay xabado u adeegsadeen dadka Banaanbaxa dhigaayay sida ay Risaala u sheegeen dadka ku sugan Berbera.
Dhankale Ciidamada maamulka Somaliland ayaa Xabsiga dhigay Wariye Khadar Cabdirisaaq oo iskudayay in uu Wareysto Shaqaalaha banaanbaxa Sameynaayay.



