Wargeysyada & Xanta Suuqa kala iibsiga

1 –Chelsea ayaa qarka u saaran inay Tottenham ka afduubato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa Jack Grealish, sida ay ku warameyso The Sun.

2- Ka dib markii ay seegeen saxiixa Harry Maguire oo katirsan Leicester City, Manchester United ayaa diirada saaratay xiddiga kale ee wacdaro ka dhigtay Koobka Adduunka ee Jerry Mina, sida ay qortay The Sun.

Shaqsiga u qaabilsan Red Devils Dhanka suuqa ee Matt Judge ayaa u duulay Spain si uu u bilaabo wadahadalka labada koox.

3- Lewis Cook, oo kabtan u ahaa xulka England ee 20 sano jirada xagaagii lasoo dhaafay ayaa waxaa dooneysa Tottenham, sida laga soo xigtay Daily Star.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bournemouth ayaa lagu qiimeeyaa 30 milyan oo ginni, sida ay qortay jariirada Daily Mirror.

4- West Ham ayaa lagu soo celiyay dalab ay u dirtay xiddiga Celta Vigo ee Maxi Gomez, sida ay qortay Daily Mirror.

Waxaa lagu soo waramayaa in kooxda reer Spain ay weydiisaneyso kooxda ka dhisan Premier League lacag £ 35m oo ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa kooxda.

5- Marka laga soo tago bariga London ilaa koonfurta, Crystal Palace ayaa u muuqata mid dhameystiri karta saxiixa weeraryahanka Ghana Jordan Ayew ka dib markii ay soo xerogelisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Senegal Cheikhou Kouyate.

6- Chelsea ayaa rajo ka qabin inay lasoo saxiixato Gonzalo Higuain inkastoo ay xiiseyneyso AC Milan, sida ay qortay Daily Mirror.