Wargeysyada & Waxay ka qoreen Suuqa kala iibsiga

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero, oo 27 jir ah, ayaa diyaar u ah inuu u hibeeyo mustaqbalkiisa kooxda Manchester City oo uu ka qadan doono lacag dhan £ 52m kadib Finalka Capital One Cup ay wajahayaan kooxda Liverpool. (Sun on Sunday)

Arsenal ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Alex Oxlade-Chamberlain, oo 22 jir ah, kasoo shan xilli garoonka Emirates kusugan. (Evening Standard)

Arsenal ayaa sarre u qaaday xiisaha ay u qabaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ajax Riechedly Bazoer, oo 19 jir ah, kasoo loo yaqaano Vieira xulka ‘Dutch ‘. (Sunday People)

Gunners ayaa raadineysa inay lasoo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton Victor Wanyama, oo 24 jir ah, xagaagan. (Footylatest.com)

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca kooxda Juventus Alex Sandro, oo 25 jir ah (Sun on Sunday)

United ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro daafaca Inter Milan ee 31-sano jirka ah Miranda. (Metro via Calciomercato)

Tababaraha kooxda Red Devils Louis van Gaal ayaa ka digay in weeraryahanka dhaawacan ee Wayne Rooney, 30 jir ah, uu ciyaari karo kulamada saxiibtinimo ee England dhamaadka March. (Star on Sunday)

Van Gaal ayaa mar kale weerar ku qaaday dadaka sheegaya in lagu bedeli doono Jose Mourinho ,isagoo doqonimo ku tilmaamay warkaasi (Sunday Telegraph)

Tababaraha kooxda Watford Quique Sanchez Flores ayaa muujisay xiisaha ay u qabto kooxdiisa daafaca 30-sano jirka ah ee Napoli Raul Albiol. (Sunday People)

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ka hadlay sida uu u jecel yahay weeraryahanka England Harry Kane,oo 22 jir ah, iyo Raheem Sterling, oo 21 jir ah, (Mail on Sunday)