Aqoonyahan Maxamed Axmed Cali oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay sida maqnaanshaha madaxweynaha Puntland looga dareemay shirka Istanbul.
Wakiilo ka socdo Puntland ayuu sheegay iney ka qeyb galeen shirka dhaqaalaha iyo dhalinyarada, balse aysan jirin siyaasada cid Puntland kaga qeyb gashay.
Wariyaheena Maxamed Kaafi Sheikh aya wareystay Maxamed Axmed oo ku sugan dalka Turkiga.


