Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminay ayaa gaaray magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, isagoo casuumad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay magaalada Ankara u tageen ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mida: Wasiirka Arrimaha dibadda, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha NISA, xildhibaanno iyo xubno kale.
Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa la filayaa inay kulankii ugu horeeyay oo fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Sida ay xaqiijiyen mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaliya Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aqbalay kulankan, kadib farriin uga timid madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
Dowladda Itoobiya, gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed ayaa la sheegay inuu codsaday kulanka tooska ah, isagoo u soo maray Madaxweynaha Turkiga, taasoo keentay inuu aqbalo Madaxweynaha Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in kulankani la qorsheeyay in uu maanta oo Arbaco ah Berri ka dhici doono, magaalada Ankara, iyadoo labada mas’uul aysan is arag, wixii ka dambeeyay heshiiskii is-afgaradka Badda ee ay Ethiopia 1-dii bishii Janaayo la saxiixatay Maamulka Somaliland.
Turkiga ayaa hore u joojiyay kulamadii Soomaaliya iyo Itoobiya, markii wax horumar ah laga gaari waayay, Itoobiyana ay diiday inay ka noqoto heshiiska is-afgaradka ee Somaliland, waxaana sidaasi ku fashilmay waanwaantii Turkiga waday.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u diiday soo jeedin la xiriirta inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, xilli ay ka qeyb galayeen shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay magaalada Beijing.
Lama oga waxa bedelay mowqifkii dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya, balse waxaa jira culeysyo diblomaasiyadeed oo la saaray iyo Itoobiya oo sii kordhisay faragelintii Soomaaliya.



