Wareega Saddexaad oo loo gudbay doorashada kursiga Hop#063 ee ka socota Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socota doorashada Kursiga Hop#063 oo ay ku tartamayaan laba musharrax oo kala ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid & Maxamed Daahir Aadan..

Doorashada ayaa soo martay wareega koowaad iyo wareega labaad, balse haatan loo gudbayo wareega Saddexaad kadib markii wareega labaad ay kala heleen musharixiinta min 50 Cod hal codna uu halaabay

Doorashada ka socota Magaalada Beledweyne ayaa ah tii ugu horreeysay ee la isla gaaro wareega Saddexad, waxaana Maanta qorsuhu yahay in magaalada Beledweyne lagu doorto  ilaa laba Kursi.