WARBIXINB:- AS oo weli weeraro ka wada deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe iyo Abaabul culus oo socda.

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inay weli socdaan weerarrada maleeshiyada Al-shabaab ku hayaan degaanada gobolkaasi.

Weerar madaafiic ah ayay AS xalay ku qaadeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ah xarunta ugu weyn ee ciidamada dowladda, iyadoo La sheegay inuusan geysan wax khasaare ah.

Weerarkan ayaa lagu tilmaamay mid arbushaad ah. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay qaadeen baaris ku aadan weerarkaasi, waxayna intaas ku dareen inay soo qabteen dad lagu tuhunsan yahay inay hagayeen madaafiicda Alshabaab xalay ku beegsatay degmada Aadan Yabaal.

Dhinaca kale

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab weerarro hor leh saaka ku qaadeen degaanada kala ah: Ceel Cali Axmed, Alkowhar iyo Boos Hareeri.

Ceel Cali Axmed iyo Alkowhar, ayaa waxay noqdeen degaanada ugu badan ee Al-shabaab ay si joogto ah u weerarraan muddo laba toddobaad ah oo xiriir ah.

Waana labada degaan ee qasaaraha ugu badan ku gaaray Alshabaab, markii lagu duqeeyay, balse waxaa muuqata inay awoodooda isugu geeyeen dagaalka xilligan socda oo ujeedkoodu yahay in dib u qabsadaan degaanadii laga xoreeyay howlgalkii wejiga koowaad ee dowladu qaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada abaabulka mas’uuliyiinta kasoo jeeda Hirshabeelle, si dib loogu abaabulo macaawisleyda degaankaasi. Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha tagaa xarunta Xalane ee howlgalka ciidamada AFRICOM, isagoo ka wada hagista iyo dalbashada duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka.