Duqeyn maanta lagu garaacay degmada Ceelbaraf ee G/Sh/Dhexe.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Duqeymo culus oo aan kala joogsi laheen lagu garaacay gudaha  Degmada Ceelbaraf ee Gobalka Sh/dhaxe, waxaana duqeymaha fulinaya diyaaradaha aan duuliyaha laheen.

Howlgal duqeyn ah ayaa waxaa lala beegsanaya fariisamaha ay degmada Ceelbaraf kaga sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaankaasi.

Ma cadda khasaraaha ka dhashay duqeynta ka dhacday degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoona weli dhawaqa gantaalada laga maqlayo hareeraha degmadaasi.

Dagaallo saf-ballaaran ah oo ay dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyey oo kooxdu ku qaaday deegaanno ka tirsan Hirhabeelle ayaa waxaa aan u suurtagalin in gacanta ku dhigto goobahaasi, iyada oo la kulantay cadaadisyo adag oo Duqeyn u dheereyd.

Duqeyntan ayaa ku soo aadaysa xili dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ay sheegeen in duqeyn ka dhacday degmada Ceelbaraf lagu khaarijiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda iyo gaadiid dagaal oo laga gubay kooxda.

 

Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo la doonayo in lagu qabto degmada Ceelbaraf oo xiligan ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.