WARBIXIN:- Risaala oo 7 sano jirsatay

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta u dabaal degeysaa 7 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay 24-kii April 2011-kii.

Idaacadda ayaa inta ay jirto marka laga soo tago adeega warbaahineeda waxay ka qayb qaadatay Howlo badan oo ay ka faa’ideen shacabka Soomaaliyeed.

Risaala oo ka kooban Radio FM ah iyo warbaahinta Online-ka ayaa dhageystayaasheeda iyo booqadayaasheeda waxa ay ka haqab tirtay helista warar xaqiiqo ah iyo Barnaamijyo tayeysan.

Agaasimaha Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa sheegay ujeedka Idaacadda loo aas aasay in ay aheyd ka shaqeynta nabadda iyo horumarka, xilll adagna ay soo shaqeysay.

Warbixin ku saabsan Waxqabadka Risaala waxaa inoo diyaariyay Wariyaheena Mohamed Abdi Ali.