WARBIXIN: Mashaariicda Dhireynta Muqdisho oo aan laga fiirsan sii nagaashahooda

Muqdisho-RisaalaFM- Muqdisho waxa ay aheyd meel bilicda iyo degaanku qurux badan yahay xilligii dowladdii dhexe ee dalka, waxa ay ka mid aheyd caasimadaha Afrika ka tilmaaman, dhanka nadaafadda iyo doogga marka loo eego.

Waxaa marar badan la dejiyay Muqdisho sidii ay u noqon laheyd meel ammaan, bilic iyo nolol wanaagsan, bilic soo celinta Muqdisho waxaa door weyn ka ciyaari kara dhireynta goobaha dowladdu u diyaarisay, nadaafadda iyo dhismayaasha laamiyada.

Warbixintan soo socota waxaa ka diyaariyay Wariyaha Risaala, Mohamed Isse Mohamud.