Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax caawa ka dhacay magaalada Baydhabo.
Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Qaraxa ayaa ka dhex dhacay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen labo Ruux.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in labadda ruux ay wateen waxyaabaha Qarax, islamarkaana isla iyaga ay ku dhinteen.
Meydadka Labadda ruux ayaa la geeyay xarunta baarista Booliska ee Magaalada Baydhabo,waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in ay ku waddaan baaritaano.


