Duhurnimadii Maanta ayaa qaarx jugtiisa inta badan laga maqlay duleedka Mgaalada Muqdisho waxaa uu ka dhacay deegaanka ceelasha Biyaha,kaas oo geystay khasaro kala duwan.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa dadka deegaanka Ceelasha waxaa ay sheegeen in lala eegtay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ilaalo u ahaa saraakiisha Turkiga ee ku howlan dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen laab askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda mid kalena uu ku dhaawacmay,kaas oo loo soo qaadey Magaalada Muqdisho.
Qaraxa markii uu dhacay ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada Dowladda ay fureen rasaas farabadan taas oo aan la sheegin inay geysatay wax khasaaro ah oo kasoo gaarey dadka Shacbaka ah.
Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa qarax lagula eegtaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM,kuwaas oo waxyeelo kasoo gaartay.