Wararkii ugu dambeeyay Xaalad adag oo ka taagan Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in xaalad adag ay ka taagan Magaalada Baydhabo ka dib markii maanta halkaasi laga soo xiray Sheekh Mukhtaar Rooboow.

Rasaas toos ah ayaa ka socota Xaafaddaha qaar ee Magaalada Baydhabo,halka Ciidamada Booliska ay waddaan dadaallo ay ku doonayaan in ay kusoo Afjaraan Xiisadda.

Banaanbaxyo waa weyn ayaa ka socda Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa gashay jahwareer amni iyo mid siyaasadeed kaddib markii la xiray Mukhtaar Robow, oo goobjoogayal ay sheegeen in ciidammo Itoobiyaan ah ay kaxeysten.

Xarigga ka hor, Mukhtar Robow wuxuu ka mid ahaa musharixiinta ugu cad-cad ee u tartamayay xilka madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeedka.

Ka hor inta uusan Dowladda Soomaaliya isu soo dhiibin, Mukhtaar Rooboow oo sidoo kale loo yaqaanno Abuu Mansuur, wuxuu ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee la doon doonayay in la soo xiro, maadaama uu horay u ahaa af-hayeenka Al Shabaab