Wararkii ugu dambeeyay waa sidee saaka xaalada Beledweyne?.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka laga dareemayaa xiisad amni oo sii kordheysa, iyadoo dhinacyada iska soo horjeeda ay wadaan abaabul ciidan, kadib markii ay cirka isku shareertay khilaafka u dhexeeya maamulka HirShabelle iyo siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka beesha Xawaadle.

Xalay ayaa magaalada laga maqlay rasaas goos-goos ah, waxaana jira cabsi laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho iska horimaad hubeysan. Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya xaaladda amni iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee laga dareemayo magaalada.

Xiisaddan ayaa sii xoogeysatay kadib markii shalay gelinkii dambe uu Beledweyne gaaray Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle, Cabdifitaax Xasan Afrax, taas oo dhalisay caro xooggan oo ay muujiyeen Ugaaska, siyaasiyiinta iyo ganacsatada beesha Xawaadle ee kasoo horjeeda maamulka HirShabelle.

Dhanka kale, Ugaaska Guud ee beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqay in duullaan uu sheegay in lagu soo qaaday shacabka reer Hiiraan, isagoo ku eedeeyay beelo kale inay magaca dowladda Federaalka ku huwadeen tallaabooyin uu ku tilmaamay gardarro.

Ugaaska ayaa shacabka reer Hiiraan ugu baaqay inay difaacaan sharaftooda, karaamadooda, hantidooda iyo maatadooda, isagoo sheegay inaysan gacmaha laaban doonin haddii lagu soo duulo.

Sidoo kale, wuxuu baaq gaar ah u diray askarta ciidamada dowladda Federaalka ee kasoo jeeda beesha Xawaadle, meel kasta oo ay dalka kaga sugan yihiin, isagoo ugu yeeray inay yimaadaan gurigiisa magaalada Beledweyne si ay uga qeyb qaataan waxa uu ku tilmaamay difaaca dadkooda iyo deegaankooda.

Dhanka ciidamada, wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ka imaanaya gobolka Galgaduud la filayo inay gaaraan Beledweyne, si ay u xoojiyaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan xerada Lama-galaay.

Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in askar ka tirsan ciidamada dowladda ay muujiyaan gadood, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in qaar ka mid ah ciidamada ay bilaabeen inay ka dhaqaaqaan fariisimahooda.

Xaaladdan ayaa imaneysa iyadoo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya beesha Xawaadle iyo hoggaanka HirShabelle uu muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay, gaar ahaan tabashooyinka la xiriira matalaadda siyaasadeed iyo hanaanka dhismaha maamulka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanaya siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Hiiraan, kuwaas oo dalbanaya in wax laga qabto tabashooyinkooda. Inkastoo ay jireen dadaallo lagu doonayay in khilaafka wada-hadal lagu xalliyo, haddana weli ma muuqato heshiis dhinacyadu ku qanceen.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ay socdaan wicitaanno iyo xiriirro hoose oo xal loogu raadinayo xiisadda, si looga hortago in magaalada uu ka qarxo dagaal. Dadaalladan waxaa la sheegay inay wadaan mas’uuliyiin reer Hiiraan ah oo ku jira dowladda Federaalka.