Ugaaska Xawaadle oo ciidanka dowladda ee beeshiisa ugu yeeray Beledweyne

Ugaaska Guud ee beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ayaa baaq degdeg ah u diray dhammaan askarta ciidamada dowladda Federaalka ee kasoo jeeda beeshiisa, isagoo ugu yeeray inay isaga yimaadaan magaalada Beledweyne.

Ugaaska ayaa askarta ugu baaqay inay kasoo baxaan goobaha ay kaga sugan yihiin dalka, kuna soo biiraan dadaallada uu sheegay inay ku doonayaan difaaca sharafta, karaamada iyo jiritaanka beeshooda.

Ugaas Yuusuf ayaa hadalkan jeediyay saqdii dhexe ee xalay, xilli uu ku dhawaaqay in beesha Xawaadle lagu soo qaaday duullaan uu sheegay in kooxo beeleed ay magaca dowladda Federaalka u adeegsanayaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaar ka mid ah askarta ciidamada dowladda ee kasoo jeeda beesha Xawaadle ay bilaabeen inay ka dhaqaaqaan fariisimahooda, iyagoo muujinaya gadood ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada ciidamada ee ka socda gobolka Hiiraan.

Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhawaan sheegay in beesha uu kasoo jeedo ay ku leedahay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed saami gaaraya 30%, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin tiradaas.

 

Baaqan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Beledweyne ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka u dhexeeya maamulka HirShabelle iyo waxgaradka beesha Xawaadle uu saameyn ku yeesho wadajirka ciidamada dowladda iyo amniga gobolka Hiiraan.