Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa soo baxaya faah faahin ku aadan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee saaka Shabaab ay ku qaadeen Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye.
17 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 Askari, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad oo bartiisa xiriirka Bulshada ku soo qoray inuu tagay goobta qaraxa uu ka dhacay.
Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa waxa ay sheegteen inay halkaasi ku dileen 27 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska, balse ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee dhimashada.
Saraakiisha gurmadka deg dega ayaa sheegay inay qaadeen maydadka 13 Askari oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, balse waxa ay sheegeen khasaaraha inuu intaasi ka badan yahay.
Qaraxa Ismiidaaminta uu fuliyay naftii halige Shabaab ka tirsanaa, ayaa beegaday ciidankan Booliska xilli ay ku guda jireen Saf dheer, ayna isku diyaarinayeen gaardiska ciidanka Booliska subax waliba ay ku galaan Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska General Kaahiye.
Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya illaa hadda kama aysan hadlin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkaasi Ismiidaaminta ah ee ciidamada lala eegtay.



