Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qaraxii Xamarweyne

Waxaa sii kordhay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Maqaayadda Itian oo ku dhegan Moolka Muqdisho ee degmada Xamarweyne.

Dhimashadda ayaa gaareysa ilaa iyo 10 ruux sidda ay xaqiijiyeen Isbitaallada iyo Kooxaha gurmadka deg dega ah.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah  Col. Cabdinuur Axmed kadiye oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad badan 20 qof Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Goobta la qarxiyay ayaa aheyd meel Mashquul badan, waxaana Qaraxa uu ahaa gaari la dhigay goobta la dhigto baabuurta ee Muqdisho Mall.

Isbitaallada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo badan, waxaana wali socda gurmadka loo sameynaayo dadka ay waxyeelado soo gaartay.