Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Majaajiliste Cabdi Muriidi (Ajakis) oo lagu xiray Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland.
Saraakiisha Ciidanka Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegeen, sababta loo xiray Cabdi Muriirdi (Ajakis) in ay tahay in uusan heysan warqada soo gelista Degaanada Soomaaliland.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in Ajakisa ay su’aalo weydiinayaan, islamarkaana ay baaris ku sameynayaan ujeedada safarkiisa ee ka dambeysay Magaalada Hargeysa.
Mas’uuliyiinta Maamulka TV-ga Universal oo uu Cabdi Muriirdi (Ajakis) la shaqeeyo ayaa waxa ay sheegeen safar shaqo oo keliya in uu u aaday Magaalada Hargeysa.
Warbaahinta Soomaaliland ka howlgasha oo soo Xiganeysa Mas’uuliyiin ka tirsan Xukumadda Soomaaliland ayaa sheegay in ay macquul tahay in Majaajiliste Cabdi Muriidi (Ajakis) dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho.


