Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

Waxaa maalintii 6- aad si habsami leh uga socda Magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya Shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran.

Weli waxaa la isku mari la’ayahay arrinta la xiriira dhismaha Aqalka Sare iyo saamiga Gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.

Warar ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in hogaamiyeyaasha ay isku fahmi waayeen qodobo dhowr ah oo ku saabsan arimaha Aqalka sare , waxaana wararku ay sheegayaan in qaar kamid ah hogaamiyayaasha dowladda Goboleedka ay soo jeediyeen in meesha laga saaro aqalka sare.

Wararka ayaa sidoo kale  sheegaya in maanta la soo gaban gabeyn doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisii ayaa lagu soo waramayaa in ay shirka ka baxeen sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in ay kusoo biireen xubno ka socda beesha Caalamka.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.