CIID WANAAGSAN: Maamulka iyo Shaqaalaha Risaala oo hambalyo udiray ummadda Islaamka

Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka ugu sareeya Idaacadda Risaala iyo Shaqaalaha ayaa hambalyo ku aadan farxada Ciidul Adxaa udiray dhamaan Dadka Islaamka ah meel walbo oo ay joogaan, maadaama Maalinta Berri ah ay ku beegan tahay Maalinta Kowaad ee Ciidul Adxaa.

Guud ahaan Umadda Islaamka oo ku kala sugan Dalalka Caalamka iyo Gobolada Dalka ayaa si weyn ugu diyaar garowaya in Maalinta Berri ah ay u Dagaaldegaan Farxada Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Al-ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa sheegay in dhageystayaasha Idaacadda Berri si weyn loogu soo dhaweyn doono Xarunta Dhexe ee Idaacadda oo ku taalla Degmada Xamar Jajab, sidoo kalena dhageystayaasha loo diyaariyay Barnaamijyo gaar ah oo ay ku xusan yihiin hadiyado qaali ah, kuwaas oo ay bixinayaan shirkada saaxiibka la’ah Radio Risaala.

Dowladda Sacuudiga iyo Dowladaha Islaamka ah qaarkood ayaa ku dhawaaqay in Maalinta Berri ah oo Isniin ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, maadaama Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ay maanta istaageen Banka Carafo kadib markii ay soo guteen Acmaasha Xajka.

111 222 333