Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maalinkii labaad ka socda shirka Madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo xalay ka furmay Guriga Martida ee Jubbaland.
Dhammaan Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa xalay shirkaan wajigiisa koowaad ka jeediyay khudbado, ay uga hadlayaan xalada siyaasadeed ee dalka.
Ammaanka magaalada Kismaayo gaar ahaan goobta uu shirka ka Socdo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn ee Kismayo lagu rakayaa Ciidamo dheeraad ah oo hubeysan.
Shirkan ayaa waxaa la filayaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo magaalada Kismaayo, lagana soo saaro War-murtiyeed ay ku mideysan yihiin Madaxda ka qeyb galeysa.
Hadda Kismaayo waxaa ka socda Shir u dhaxeeya Madaxda dowlad goboleedyadda,islamarkaana Saxaafadda ay ka tahay banaan joog.



