Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Degmada Aadan-yabaal ee gobalka shabellaha dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay hada waxay fariisimo ka sameysteen kontoroolka degmada Aadan-yabaal ee shabellaha dhexe.
warar kale oo ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in halka ay Ciidamadu fariisimaha ka sameysteen ay kasoo degtay Diyaarad nooca helicapter oo ay dadka qaar sheegeen in ay hub siday ciidanka Meesha degay.
Maxamed cilmi saney oo kamid ah saraakiisha ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay howlgal kawadaan caaway degmada Aadan-yabaal ee Gabalka shabellaha dhexe
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay ka ruqaansaday deegaanka Mabaax oo ay joogeen labadii cisho ee la soo dhaafay.
Xalada ayaa hada dagan wax dagaal ahna ma jiro.