Afgooye-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal xalay saqdii dhexe Ciidanka Dowladda Federaalka Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Shabaab ku dhexmaray Degmada Afgooye.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaab ay weerar ballaaran ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Dagaalkan in uu ahaa mid la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan, iyagoo sidoo kale shaagey raggii weerarka soo qaaday in ay gudaha u soo galeen Degmada, balse markii dambe dib loo riixay.
ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray Dagaalka, iyo hadii ay jiraan dad shacab ah oo Dagaalkan ku waxyeeloobay.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Degamada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Risaala u sheegay Dagaalka in uu socday saacado badan, ayna adag tahay in la ogaado khasaaraha, maadaama ay ahyed xilli Habeen ah, hadana ay wadaan baaritaano.
Dhanka kale Mas’uuliyiinta Degmada Afgooye ayaa sheegay Shabaabka weerarka soo qaaday in ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen Degmada Afgooye, maadaama uu webiga guray.


