Ciidamada Jubbaland, ayaa qarax lagula eegtay degaanka Yoontoy ee Gobolka Jubbada Hoose, xilli gaadiidkooda ay halkaasi marayeen, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka.
Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa ciidanka lagula eegtay banaanka hore ee degaanka Yoontoy, xilli gaarigan ciidanka saaran yihiin uu doonaayay inuu galo Yoontoy.
Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay askar inay kaga dhaawacmeen qaraxa, waxayna ka gaabsadeen Saraakiisha inay shaaciyaan tirada askarta qaraxaasi kaga dhaawacmay.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidamada Jubbaland ay ku geeriyoodeen qaraxan oo maanta barqadii dhacay, kuwaasi oo maydkooda loo soo qaaday Magaalada Kismaayo.
Xoogaga Shabaab ayaa wadada xiriirisa Kismaayo iyo deganada dhaca duleedyada Magaalada waxa ay ku aasaan waxyaabaha qarxa oo ay ku dhibaateeyaan gaadiidka ciidamada ay saaran yihiin.
Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadeen Gobolka Jubbada Hoose.
Al-Shabaab ayaa dhawr mar waxa ay qaraxyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa Ajaanibta ah kula eegteen duleedyada Magaalada Kismaayo oo ciidamada maalmahan ay si aad ah dhaq dhaqaaq uga wadaan.


