Wararkii ugu dambeeyay Ciidamada Itoobiya oo lagu weeraray Gedo

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inuu weerar ku qabsaday Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya, kadib markii dagaalyahano ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ay wadada ugaleen ciidamada Itoobiyaanka.

Weerarkaan oo jidgal ahaa, ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Luuq iyo Magaalada Garbahaarey, xilli ciidamada Itoobiyaanka ay ku sii jeedeen Degmada Garbahaarey.

Ciidanka Itoobiya ayaa sida caadada ah gaadiidka raacin, waxaana ay u lugeeyaan qaab eventari ah si ay uga gaashaantaan weeraro suuragal ay tahay inay kala kulmaan Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Itoobiyanka ayaa xilli ay maraayeen deegaanka Quracsiin, waxaa qabsaday mar kaliya dagaal iyo qaraxyo ay kala kulmeen dagaalyahanada Shabaabka ka tirsan.

Dadka deeganka ayaa soo wariyay inuu ahaa dagaalka mid culus oo labada dhinac, halkaasi isku waydaarsadeen rasaas kala duwan, inkasoo illaa hadda aanan la ogeyn khasaaraha soo gaaray ciidamada Itoobiya.

Al Shabaab ayaa dagaalkaasi waxa ay ka sheegteen guulo ku aadan in ciidamada Itoobiya khasaare ay ku gaarsiiyeen dagaalka, sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Gedo oo aan la xiriirnay, dhankooda waa ay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi dhexmaray ciidamada Itoobiyaanka iyo Ururka Al Shabaab.