Wararkii ugu dambeeyay cayaaraha ay ka qoreen wargeysyada Caalamka

Paris St-Germain weeraryahankeeda Zlatan Ibrahimovic, oo34 jir ah, ayaa laga yaabaa inuu England ku biro, Mar la weydiiyay mustaqbalkiisa, wuxuu yiri: “Waxaan haystaa saddex bilood oo kale Sida uu qoray  (Daily Mirror)

Jose Mourinho, oo 53 jir ah, ayaa iska diiday dalabyo uga yimid Italy iyo Shiinaha si uu ugu biro Manchester Unite sida uu leeyahay. (Sun)

Leicester ayaa lagu wadaa inay ku qaataan £ 20m weeraryahanka CSKA Moscow Ahmed Musa, oo 23 jir ah, iyo daafaca Dynamo Kiev Aleksandar Dragovic, oo 24 jir ah – haddii ay usoo baxaan Champions League. Sida uu leeyahay (Daily Mirror)

Chelsea ayaa wadahadalo ay kula soo wareegeyso Edinson Cavani oo 29-sano jir ah la furtay PSG. Waxaa lagu qoray (Metro)

Tababarihii hore ee xulka Chile Jorge Sampaoli,oo 55 jir ah, ayaa ku soo laaban doona shaqada tababarka ,waxaa lala xiriirinayay Chelsea Waxaa qoray. (Sun)

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal Robert Pires ayaa meesha ka saaray “sheegashada Danny Mills  oo ah in isaga iyo Thierry Henry ay ahaayeen kuwo qaab ixtiraam daro ah ula dhaqmi jiray markii ay  tuurayeen rigoore kulankii Manchester City 2005. Sidaasi waxaa qoray (Times – Times)

Tababarahii kooxda Blackburn Paul Lambert ayaa sheegay inuu doonayay inu iska casilo Tababaraha kooxda Aston Villa dhamaadka xilli ciyaareedkiisii labaad Sida l;agu sheegay. (Daily Express)

Paris St-Germain ayaa ku dhow inay ka afduubataan Manchester United ,ciyaaryahanka bartilmaamed u ah ee  Mauro Icardi, waxaa baahiyay (Sport Mediaset)

Tababaraha Tottenham Mauricio Pochettino, oo 43 jir ah, ayaa ka dhawaajiyey inuu doonayo inuu sii joogo England Sida lagu qoray. (Evening Standard)

Manchester United ayaa ku dhow inay dalab u diraan Real Madrid xiddiga ay dooneyso ee daafaca kooxda Wolfsburg Ricardo Rodriguez, oo 23 jir ah. Waxaa qoray (Daily Express)

United ayaa sidoo kale rajeyneysa inay ka dhaadhiciso ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Valencia Sofiane Feghouli, oo 26 jir ah, inuu u dhaqaaqo Old Trafford. Waxaa daabacay (Metro)