Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya koox hubeysan oo Saddex askari galabta ku dishay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Ceelasha Biyaha.
Dad goobjoogayaal ah ayaa ku waramay Saddexdan askari ee ka tirsanaa ciidanka dowladda in lagu dilay weerar gaadmo ah, kadib markii rasaas lagu furay iyaga oo geed hoostiisa fadhiya.
Raggii dilka geystay oo tiro ahaan lagu sheegay inay ahaayeen laba dhalinyaro ah ayaa ka baxsaday goobta, daqiiqado kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Ciidamada ayaa bilaabay hawlgal gaar ah oo ay ku raadinayaan raggii dilka u geystay askartan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
Inta badan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa ka dhaca dilal ay rag hubeysan u geystaan saraakiisha iyo ciidanka dowladda, dilalkaas waxaa sheegta Al Shabaab iyo kooxda Daacish.



