Warar ku saabsan Qaraxii ka dhacay Agagaarka Dekedda Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay ee Naga soo gaaraya dekeda Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan baaritaano lagu xaqiijinayo ammaanka dekeda Magaalada Muqdisho ,waxaan hakad ku yimid shaqadii ka socotay dekeda.

Qarax xoogan ayaa Saaka ka dhacay Nawaaxiga  Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho ,gaar ahaan Goobta lagu qaado Canshuuraha Bariga sida ay idaacadda Risaala u sheegay shaqaalaha Dekeda Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegaya in uu  ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.

Qaraxa ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen dad aad u farabadan ,madaam goobta uu ka dhacay Qaraxa ay ku sugnaayeen muruqmaal badan oo ka tirsan Shaqaalaha dekeda Muqdisho.

Ilaa iyo Hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee ku dhimatay Qaraxa ama ku dhaawacantay ,laakiin waxaa la sheegaya in goobta laga qaaday meydad iyo dhaawacyo.